Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay gelinkii dambe ee shalay Dagaalamayaal katirsa Kooxda Al-Shabaab ka sareen Tuulooyinka Janaay Cabdalla,Helishiid, Mayoonde iyo Garas-cebe oo katirsan Deegaannada Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Ciidanka XDS G/le, Xasan Aadan Ciraaqi oo la hadlay warbaahinta Dowladda, ayaa sheegay in ay Kooxda Al-shabaab isaga carartay Tuulooyinka ay howlgalka ka sameeyeen, haatanna ay kusii jeedaan degaano kale,sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa xusay inay kordhiyeen howl-gallada qorsheysan ee ay kaga saarayaan Dagaalamayaasha Kooxda Al-Shabaab ee Deegaannada ay kaga sugan yihiin qaar kamid ah Gobollada Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here