Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil Muwaadin Soomaaliyeed Xalay Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ay ugu geysteen gobolka Eastern Cape gaar ahaan magaalada East London ee dalkaas.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Daahir Carte, ayaa la sheegay inuu mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed, ee Koonfur Afrika,waxaana la sheegay in dilkiisa ay dambeyeen Kooxo burcad Koonfor Afrikaan,kuwaasi oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Eastern Cape ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, iyagoona sameeyay howlgal ay ku raadinayaan ragii burcada ahaa ee dilka geystay, hayeeshee wax natiijio ah kasoo bixin howlgalkaas.

Sidoo kale Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cumar Axmed Dhiblaawe ayaa isna xalay waxaa rag hubeysan oo burcad ah ay ku dhaawaceen deegaanka Devitown ee hoostega Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika.

Sikastaba ha ahaate Dalka Koonfur Afrika, ayaa inta badan ah dal lagu dhibaateyo dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaaliyeed,kuwaasi oo halkaasi u tagay in ay ku ganacsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here