Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa soo dhaweeyay Go,aankii shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku Ansixiyeen Mataalada Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ka hadlayay Doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in Hadalkii guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yareey ay shalay ka jeedisay Golaha Shacabka uu ahaa mid laga fajay,maadama in muddo laga dhoorsayay Guddiga, waxa uuna hoosta ka xariiqay in hadalka Guddoomiyaha laga dheehan karo Muddo kodhin riman oo uu la jeediyay in ay sameysteen Madaxda Dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxweyne Farmaajo, ku dhaliilay inta wali Warbaahinta soo istaago aanan wali sheegin qaabka Doorasho ee dalka ka dhaceyso.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku soo aadaya xili Maalintii shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ansixiyeen Mataalada Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Golaha Aqalka Aqalka Sare ee Dalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here