Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxeysa Tiro Hoobiyeyaal ah oo xalay Xubno katirsan Al-shabaab, ay ku garaaceen Xerada Ciidamada Jabuuti oo ku taalla Suuqa Xoolaha ee Kaba-laays ee Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Saqdii dhexe ee xalay ay maqlayeen daryanka Jugta Culus ee Madaafiicda,balse aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla Gobolkaasi,wali kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay Weerarka Madaaficda ee ay Al-shabaab ay xalay ku garaaceen Xerada Ciidamada Jabuuti ee ay ku lee yihiin Baladwene.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerarkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here