Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa Maanta oo Isniin ah Kulan deg deg ah ka yeelanaya Matalaadda Siyaasadeed ee la siiyay Gobolka Banaadir oo maalmo ka hor ay ansixiyeen Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan go’aamo ka dhan ah Ansixintii Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen in Gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 xubnood.

Sidoo kale Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa Shalay dood adag ka yeeshay sida Puntland ka yeelayso  Go’aankii Baarlamanka Federaalku ay ku anisixiyeen Mataaladda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.

Dhawaan ayey aheyd markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Ansixiyeen Matalaada Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, ee ku aadan 13 Xubnood laga siiyo Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here