Dowladda Soomaaliya ayaa bolliwday dib u dhiska Waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo uu dherekeedu yahay 90 km.

Mashruucan waxaa fulineysa Dowladda Qadar oo horay u ballan qaadday dhismaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar.

Howsha dib loogu dhisayo Waddada isku xirta Muqdisho iyo Shabeellaha dhexe oo shalayto billaabatay ayaa waxaa kormeer ku tagay Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, C/xakiin Cumar Cabdille (Jacfaan),

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay howl-wadeennada dhismaha Waddada, wuxuuna kula dar-daarmay in ay muujiyaan dhabar adayg, maaddaama ay ku xeeran yihiin duruufo badan.

Inta badan Waddooyinka isku xira Gobollada Dalka ayaa waxaa ku yimid bur-bur xooggan Soddonkii Sano ee ugu dambeysay, iyadoo ay dhibaato kala kulmaan Gaadiidleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here