Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay kulankoodi caadiga ahaa ku lee yihiin Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajandaha Koowaad ee Kulanka Xildhibaanada ayaa waxa u yahay Akhrinta koowaad ee Heshiisyadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, halka Ajandaha labaad uu yahay Asteynta Kuraasta Golaha Shacabka oo doodiisa ay bilaabaneyso.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay loo diray farriin ah inuu jiro Kulanka Golaha Shacabka,isla markaana ay xarunta soo xadiraan.

Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeelan doona labada Ajande,waxaana shir Guddoomin doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Ku xigeenadiisa.

Maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeelanayay Ansixinta Mataalada Siyaasadeed ee uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka Sare.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here