Waxaa Maanta oo ay Tariikhdu tahay 29-ka bisha Juun xarigga laga jaray Maqaayada Hamar Coffe and Restaurant oo ah Maqaayad loo dhameystiray adeegyadeeda kala duwan.

Maqaayadaan oo Casir ah loo qalabeeyay isla markaana laga heli karo Cunooyinka iyo Cabitaanada kala duwan,ayaa laga furay agagaarka Isgooyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Cumar Maxamed Xasan oo ah Maamulaha Maqaayadda Hamar Coffe, oo ugu horeen ka hadlay Furitaanka Maqaayada ayaa sheegay in Mahad celin gaar ah ujeedinayo dadka kala soo qeyb galay Furitaanka Maqaayada Hamar Coffe and Restaurant.

Mikiilaha Maqaayada Maxamed Cabdullaahi Cumar, ayaa u Mahad celiyay sidoo kale dadka kala soo qeyb galay Furitaanka Maqaayada, waxa uuna sheegay in muhiimadooda koowaad ay tahay qancinta Macaamiisha,isla markaana waxa uu ballan qaad in Goobo kala ay furi doonaan.

Qaar kamid ah dadka kasoo qeyb galay Furitaanka Maqaayadda Hamar Coffe and Restaurant, ayaa sheegay in ay si aad ula dhaceen qabka Casriga ee Maqaayada loo qalabeeyay, waxa ayna shegeen in Maqaayada ay noqon doonto mid si hufan bulshada ugu adeegto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here