Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo xalay ka dhacay Deegaan katirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo ahaa mid gaadmo ah,isla markaana ay Al-shabaab kusoo qadeen Fariisin Ciidamada Dowladda ay ku lee yihiin Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda,ayaa sheegay in ay iska cabiyeen weerarka kaga yimid dhanka Al-shabaab,isla markaana aysan khasaaro soo gaarin Ciidanka Dowladda.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid si rasmi ah u cadeyn karta khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here