Dowladda Hindiya ayaa dalkeeda ka mamnuucday isticmaalka aaladda TikTok iyo barnaamijyo kale oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaas oo ay sheegtay in ay khatar ku yihiin dalkeeda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hindiya ayaa lagu sheegay “in barnaamijyadaas ay khatar ku yihiin madaxbanaanida dhuleed, sumcadda iyo ammaanka dalka Hindiya”.

Guud ahaan waxaa dalkaas laga mamnuucay 59 barnaamij ama App, waxaana kamid ah Wechat.

Arrintan ayaa waxay daba joogta xiisadda sii xureysa ee u dhaxeysa labada dal, kuwaas oo isku haya muran dhanka xuduudda.

Labada dal ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay xuduudda ay wadaagaan, gaar ahaan deegaanka Ladakh.

Isku dhac dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay 20 askari oo Hindi ah.

Muuqaalo dayax gacmeed lagu qaaday oo la arkay ayaa waxay muujinayaa in Shiinaha uu dhismayaal horleh ka dhisay deegaano xadka ah.

Wasiirka warfaafinta ee Hindiya, ayaa sheegay in sababta ay u mamnuucayaan isticmaalka barnaamijyadaas ay tahay dacwo uga timid meela kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here