Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar qorsheysan ay ka fuliyeen degaanka Qooqaani ee katirsan gobolka Jubbada Hoose ayna ku dileen Guddoomiyihii hore ee deegaanka Qooqaani oo Magaciisa ay ku sheegeen Maxamed Bile.

Weerarka ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday Hoyga uu degaanka Qooqaani ka degan yayahay Guddoomiyihii hore ee deegaanka Qooqaani Maxamed Bile,waxaana dagaal kooban uu dhexmaray ilaalada Guriga iyo Dagaalamayaasha Kooxda Al-Shabaab ee Weerarka soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa ay sheegteen inay u suurtagashay inay Nolosha ku wataan mid kamid ah ilaalada Guddoomiyihii hore ee deegaanka Qooqaani, kaas oo ay sheegeen in uu wada Shaqeyn la lahaa Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM oo ka howlgalla Gobollada Jubbooyinka.

Weerarkaan ka dhacay degaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan weeraro ay ka dhaceen degaannada Hoosingoow,Qooqaani iyo Kulbiyoow.

Sikastaba ha ahaate marka laga soot ago hadalka kasoo baxay Al-shabaab, ma jiro ilaa iyo hadda ilo madax banaan oo xaqiijin kar guulaha Al-shabaab ka sheganayaan weerarka ay ku qadeen Guriga Guddoomiyihii hore ee Deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here