Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta ugu dambeyn waxaa ay go’aan ku gaartay in la siidaayo Wariye Maxamed Cabduwahaan Nuur Abuuja oo muddo dhowr bilood ah si sharci darro ah ugu xirnaa dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkamadda, ayaa sheegay in baaris dheer kaddib Wariye Abuuja lagu waayay dambi,isaga oo amray in Xabsiga laga sii daayo.

Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa horay weriyahan ugu eedeeyey Shabaab-nimo, iyadoo maalin ka hor ay maxkamaddu soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwadiisa, waxuuna go’aankeedu maanta noqday in xabsiga laga sii daayo.

Abuuja ayaa tifaftire ka ahaa Idacaadda Hiigsi oo ku taalla Muqdisho, waxaana eedeymihii loo soo jeediyey ka mid ahaa dil ka dhacay degmada Boondheere, balse sida muuqata waa lagu waayey dembigaas,waxa ayna Maxkamadda amartay in si deg deg ah xabsiga looga siidaayo.

Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja oo ah Tifaftiraha Idaacadda Hiigsi ee Magaalada Muqdisho ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya War kasoo baxay 22-kii Bishii April ee Sanadkan waxaa ay ku sheegtay in loo heysto kiis la xiriira in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab kana qeyb qaatay dil ka dhacay Muqdisho,hayeeshee ugu dambeyn Maanta ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada in dambi lagu waayay Wariyaha sidaasina Xabsiga looga siidaayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here