Ku-Simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta boqday xarunta dhexe ee Urur Siyaasadeedka KAAH.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee xarunta, kadibna wuxuu warbixin ka dhegaystay howl-wadeenada Ururka, isagoo bogaadiyey sida ay u socoto isdiiwaangelinta dadweynaha iyo qorsheeyaasha hortebinta leh ee Ururka.
Dowladda Puntland waxaa ka go’an hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo hadda meel wanaagsan maraya, Iyadoo qorshuhu yahay in Mustaqbalka dhow laga gudbo nidaamka qabaliga ah oo awooda loo dhoweeyo shacabka si ay codkooda wax ugu doortaan.
-DHAMMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here